Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismayaal cusub oo casri ah oo loo dhisay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Cadaaladda Federaalka, Mudane Xasan Macallin, iyo Wasiirrada Amniga iyo Cadaaladda ee Koonfur Galbeed.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa ka dhacday xarumaha cusub ee wasaaradahan oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo, caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed. Waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo tan Koonfur Galbeed, wakiillo ka socday Hay’adda IOM, saraakiil ciidan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Dhismayaasha cusub ayaa lagu wadaa in ay sare u qaadaan howlaha shaqo iyo adeegyada ay bixiyaan labada wasaaradood, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta adeegyada bulshada.

Share.

Leave A Reply