Siyasiga somaliyeed ee usharaxan xilka madaxtinimada kana tirsan barlamanka somalia Abduqadir Osoble Ali oo kulan layeeshay safiirka turiga ee somalia asaga oo kala hadlay arimaha dalka sida uu ku baahiyay bartiisa fecbook waxa uuna yiri.
Maanta waxa aan kulan la qaatay safiirka dowlada Turkiga ee Somalia mudane Alper Aktas. Waxa aan si qoto dheer uga wada hadalnay xiriirka soo jireenka ah ee Somalia iyo Turkiga iyo xaaladda guud ee Soomaaliya. Waxa aan safiirka u caddeeyay mowqifka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo ka go’naanshaheeda ku aaddan fariimihi ay Madashu soo saartay tan iyo marki la aasaasay.
Sidoo kale, waxa aan la wadaagay safiirka sida ay Madashu marwalba diyaar ugu tahay inay Madaxweynaha kala shaqeyso sidii loo heli lahaa hannaan mideysan oo dalka looga saari karo qalalaasaha siyaasadeed, looguna gudbi karo gogol wada-xaajood dhab ah oo horseeda is-afgarad qaran, xasillooni siyaasadeed, iyo doorasho heshiis lagu yahay.
Waxa kale oo aan u tilmaamay in ay muhiim tahay in Madaxweynaha iyo kooxdiisa ay daacad ka noqdaan xal u helida khilaafaadka ku hor gudban arimaha doorashada si looga hortago dib u dhac ku yimaada geedisocodka nabadda iyo siyaasadda Soomaliya.