Author: Asad Shadhuuke

Mohamed Abukar Zubeyr Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Norway ee Muqdisho Haakon Svane. Kullanka Labada Mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee xafiiska iyo safaaradda iyo horumarinta mashaariicda horumarineed ee Norway ay Soomaaliya ka fuliso.

Read More

Cabdalla Muumin Xoghayah guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa la Sheegayaa in Isaga Oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Ciidamada Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ay ka qabteen ayna Xabsiga u Taxaabeen, Lama Oga halka ay la aadeen Ciidamada NISA Xoghayah guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed. Cabdalla Muumin ayaa shir Jaraa’id maalin kahor ku qabtay Magaalada Muqdisho kaas oo uu uga soo horjeestay amarkii dowladda ay warbaahinta uga mamnuucday baahinta Wararka AS.

Read More

Wararka laga helayo Xaafadda Xaawo_Taako Ee Degmada Wadajir ayaa Sheegaya in Saaki Aroortii lagu dillay Aabbo Nuur Xasan Oo Naafo ka ahaa Gacmaha iyo Lugaha. Sida Ehellada Marxuumka ay U Xaqiijiyeen Warbaahinta RBN Ee Magaalada Muqdisho Aabbo Nuur Xasan Waxaa dillay Wiil Shaqaale u ahaa Kaas oo 16meel Tooreey kaga dhuftay. Lama oga Waxyaabaha ku Sababay inuu Wiilkani dilka u geysto Ninkii Uu u shaqeynayay. Dhacdooyinka Naxdinta iyo Amakaaga leh waa Kuwo Ku soo badanaya Gudaha M.Muqdisho. Waxaana loo aaneynayaa Isticmaalka Waxyaabaha Maanka Dooriya.

Read More

11/Oktoobar/2022: (RBNNEWS.NET)Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Argigixisadu ay kula beegsadeen Degmada Qoryooleey. Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Argigixisada Alshabaab mar waliba ay Bartilmaameed uyihiin Haldoorada u adeegaya Bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaana uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto Doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed. “Innaa…

Read More

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa sheegay in Maalinnimadii Jimcada aheyd laga helay Magaalo Xeebeedka Sabratha Doon ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah Oo lagu gubay halkaasi, Shan iyo Toban Ruux Tahriibayaal ah ayaa ku nafwaayay doonta waxaana la xaqiijinayaa in gubashada Doontu ay sababtay kadib markii laba Koox Oo Magafayaal ah ay halkaasi ku dagaalameen,Iyadoona Mid kamid ah Kooxahaasi ay toogatay doonta ay saarnaayeen tahriibayaasha Sidaana ay ku gubtay doontu. Waxaana la xaqiijinayaa in dhammaan dadka ku dhintay doontu ay ahaayeen Dad Afrikaan ah Oo ka yimid Koonfurta qaaradda. Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Liibiya ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dalka Liibiya…

Read More

Sida Wararka aynu ku heleyno Waxaa caawa isku dhacyo rabshado wata Uu ku dhexmaray Jaamacadda Jigjiga Ardayda Jaamacadda iyo Ciidamada Federaalka Itoobiya. Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa Ardayda u Adeegsaday Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo Rasaas. Waxaana la soo Warinayaa in Arday badani ay ku dhaawacmeen halkaasi. Ardaydaan Mashaqada ay Qabsatay ayaa la Sheegayaa in Toddobaadkaan Un Lagu soo xareeyey jaamacadda Si loogaqaado Imtixaanka Fasalka 12aadka oo Maanta bilaabmay.

Read More

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu furmo Maalinnimada Berrito ah Magaalada Kigali Ee Caasimadda Dalkaasi Rwanda. Xildhibaanada Baarlamaanka JFS ayaa waxay kulamo la yeesheen xubnaha Baarlamaannada waddamada Islaamka ah iyo baarlamaanka Carabta. Waxeyna Labada shirba kaga hadleen Xaaladaha waddamada Soomaaliya, Ciraaq, Yemen, Syria, qaddiyadda Falastiin iyo Pakistaan Oo 1,700 oo qof ay ku nafwaayeen xaaladda daadadka ee dalkaas ka jirta tan iyo horraantii bishii June ee Sannadkan. Dhanka Soomaaliya Xildhibaanadu waxay uga hadleen xaaladda abaarta ee ka jirta Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda iyo dadka shacabka kula jiraan AS. Waxeyna Sheegeyn in loo baahanyahay taageero si loogu…

Read More

Senator Abdi Hashi Abdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare Ee Golaha BJFS ayaa kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkaasi Mudane Mustafa Sentop, Waxay kawada hadleyn adkaynta xiriirka labada Baarlamaan iyo in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkigu ay si dhow u wada shaqeeyaan. Guddoomiye Cabdi Xaashi marka uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo kaashanaya Guddoomiyha Golaha Shacabka BFS, Waxay diyaarin doonaan dhismaha xubnaha guddiga Saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaannada Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Oo Safar Shaqo ku joogo dalka Netherland ayaa kulan kula qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Dembiyada Adduunka ICC. Mudane Piotr Hofmański.Gudaha Maxkamada Dambiyada Aduunk. Madaxweynaha Maxkamadda ICC. ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyey xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka isagoona warbixin ka siiyey sida ay u shaqeyso iyo qeybaha kala gedisan ee ay ka kooban tahay Maxkamadda. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay Mudane Piotr Hofmański oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICC, Soo dhaweyntiisa. Wuxuuna sheegay in maxkamadan ay tahay Mid aqoon iyo khibrad ka kororsan karaan garsoorayaasha iyo qareennadda Soomaaliyeed.

Read More

Waxaa Caawa garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde ka soo degtay diyaarad ka timid dalka Kuwait Oo ay saarneyd gabar Soomaaliyeed Oo ku xurneyd dalkaasi. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaana kula wareegay Fatima Abdullahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018, Fatima waxaa lagu helay eedaymo ay ku eedayeen Dacwa oogista dalka Kuwait, Iyadooba Maxkamadda dalkaasi ay ku xukuntay 15 sano Oo xarig ah, Balse ugu dambayn Amiirka dalka Kuwait ayaa la sheegayaa inuu ka cafiyay kala bar.15kaasi Sano. Dadaal dheer iyo xiriiro uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha iyo hay”adaha kale ay khusayso la sameeyeen dalka…

Read More