Author: Asad Shadhuuke

Waxaa maanta Magaalada Gorawe Ee Caasimadda Dowladda Gobolleedka Puntland Gaaray Wafuud ka socota Qaramada Midoobey. Wafdigaan Waxaa hogaamineysay madaxda Hay’adda UNHCR Ee Puntland mss Monica Taas Oo Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdiga, Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka Muhaajiriinta soo gala gudaha Deegaanada Puntland. Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulankaan mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, Ugu dambeyn kullanka ayaa ku soo dhammaaday Jawi Wanaaagsan iyo is afgarad.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada The Hague ee dalka Boqortooyadda Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp, Oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan, Sidoo kale Labada Guddoomiye ayaa is-dhaafsaday aqoonta la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadeennada. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyey Dalkaasi.

Read More

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni. Kullanka Labada Madaxweyne ayey kaga Wada hadleen Xasilloonida gobolka iyo Xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda ka Dhexeeya. Xasan Sheekh ayaa Sidoo kale la wadaagay Madaxweyne Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya Ee ku Aadan kacdoonka Looga Soo Horjeedo AS. Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalinnimadii shalay, Dhanka Kale Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa Carrabka…

Read More

Kulanka ayaa isbarasho iyo Is Xog-wareysi ku aadanaa iyo Shaqada ay qabtaan waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka. Waxaana lagu falanqeeyey sida hufan ee looga shaqeyn karo horumarinta Golaha Shacabka. Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka JFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) Wuxuu Sheegay in Agaasime-yaasha iyo shaqaalaha aqoontooda iyo kartidooda ku kalsoon yahay islamarkaana howl-waddeennada qaar aan fursad u helin tababarada maskaxdooda iyo Tayadooda la dhisi doono. Isagoona u ballan qaaday in ahmiyad gaar ah la siin doonno Golaha ayna heli doonnaan Adeegyo Caafimaad kaas oo loogu tala galay Madaxda iyo shaqaalaha Baarlamaanka. RBN NEWS SOMALIA

Read More

Sida Wararka aynu ku Heleyno Waxaa Maanta Weerar Qarax ah Uu Haleelay Gaari ay La Socdeen Ciidamada Puntland Ee ka howlgalla Dhulka Buuraleyda Ee Galgala. Inta la Xaqiiyay Waxaa ku dhimatay Qaraaasi Afar Askari Halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxa Oo ahaa Miinada dhulka lagu Aaso aaa la Sheegayaa iney la kacday mid ka mid ah gaadiidka dagaalka Puntland ee ka hawlgala buuralayda Galgala ee gobolka Bari. Gaariga Miinadu ay Haleeshay ayaa waxaa la Xaqiijinaaa Iney Saaarnaayeen tiro askar ah, Askartii ku dhaawacmay qaraxaasi Miino Ee dhulka lagu aasay ayaa loo soo qaaday Magaalada Bosaaso si Xaaladdooda Caafimaad loola…

Read More

Kadib Juhdi iyo dadaal waxaa lagu guuleestay in meydkiisa la soo saaro Maxamed saciid. Ninkaan oo wax ka badan 24sac ay la xarbinayeen dadka deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag si ay nolol iyo geeriba ay ugu soo saari lahaayeen god ku dumay xilli uu dahab ka baarayay godadka dahabka laga soo saaro ee deegaanka Milxo. Hadda Ayaaa La Xaqiijinayaa in lagu Guuleestay in la soo gabagabeeyo Howshii lagu baadi goobayay. Goobjoogayaal la hadlay Warbaajinta RBN Ee Magaalada Muqdisho ayaa inoo Xaqiijiyay in meydka Ninkaasi hadda la soo saaray. AUN Maxamed Siciid ayaa saqdii dhexe ee Khamiista uu ku dumay god…

Read More

Dagaalo culus oo faraha leyskula tagay una dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AS ayaa maanta ka dhacay Tuulada Muryaale oo u dhexeysa Basra iyo Balcad. Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa waxaa guulo ka kala Sheegtay dowladda Soomaaliya iyo AS. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Ee Dowladda CabdiKaamil Shukri Macalin ayaa Warbaahinta u Sheegay iney dagaalka kaga dileen AS 19 Dagaalyahano. Dhanka Kale Kooxda AS ayaa sheegatay in Dagaalkii Maanta Ee ka Dhacay Tuulada Muryaale ay ku dileen 12Askari. Toddobaadkii hore ayey aheyd kadib Markii deegaanka Basra ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AS. 6

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay howl-galada Ciidanka Amaanka. Ciidamada amaanka oo maalmihii ugu danbeeyay howlgalo balaaran ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa ku guulestay burburinta shabakad isku xiran oo katirsan Maleeshiyaad Al-Shabaab, Hubkii ay ku dhibaataynayeen shacabka iyo Gaadiid. Sidoo kale ciidamada Amniga ayaa la wareegay 5-guri oo u kireys-neyd shabakadaas katirsaneyd Al-Shabaab.

Read More

Muqdisho, Oktoobar, 02,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federalka Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay danjiraha Dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster. Danjiraha Dowladda Ingriiska ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyaysay geerida taliyihii Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Marxmuum Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) iyo Nabadoon Cilmi Xagar Guure, oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro Kooxda aragagaxisa Al Shabaab, iyadoo soo hadal qaaday taageerada Golaha Shacabka BJFS, Amb. Kate Foster ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska ay taageereyso dadka ku wax yeeloobay abaaraha ka jira qaar kamida ah gobolada dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madax ka socotay Hay’adda USAID. Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxda ka socotay Hay’adda USAID ayaa kulankooda looga hadlay Taageerida Ciidanka Darawiishta Koonfur Galbeed,Hirgelinta Mashaariicda Hormarineed,Taageerida Howlgalada Socday ee lagu Ciribtiraayo Argigixisada iyo Daadejinta Dhismaha Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed. RBN NEWS SOMALIA

Read More