Dowladda Jarmalka ayaa ku caawineysa lacag dhan 20 milyan oo Yuuro, iyagga oo soo marsiinaya Qaramada Midoobay si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya. NQaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ku dhawaad 13 milyan oo qof ay halis ugu jiraan gaajo. Itoobiya ayaa waxaa ka jirta abaar daba dheeraatay ka dib markii saddex xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen tan iyo dabayaaqadii 2020-kii taasoo saameysay 6.8 milyan oo qof oo ku nool Oromiya, SNNP, Koonfur-galbeed iyo dowlad deegaanka Soomaalida, deegaanno dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo…
Author: Asad Shadhuuke
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. “Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”. Ayaa lagu yiri qoraalka. Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo…
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland RBN NEWS SOMALIA
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay cabasho ka soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aadan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga. Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in si loo xaliyo cabashadaas uu magacaabayo guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskiisa, si ay arrintan u baaraan warbixinna uga keenaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Inta cabashada laga xalinayo, Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddiga SEIT ee Banaadiriga in…
Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga ayaa shaaciyay Odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xuli doonta Xildhibaanada beellaha Banaadiriga. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga Sacdiyo Cali Boloy, ayaa sheegtay in doorashada ay dhici doonto maalinta Isniinta ah ee soo socota. Shanta xubnood ee beellaha Banaadiriga ayaa la wada dooran doonnaa hal maalin.
Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ayaa howlgal Kadhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose. Intii hawlgalku socday ayey ciidamadu waxay cagta mariyeen sida ay sheegeen Saraakiishii Hogaamineysay CiidamaGobo Ay Kusugnayen Al-Shabaab oo ku taala Waraha Buur Qaylo. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaas Al Shabaab looga dilay afar Xubnood iyo dhaawaca lix xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, wuxuuna howlgalka yimid ka dib qeylo dhaan ka timid dadka deegaanka oo xoolo dhaqato u badan oo u adkeysan waayay Maamulida Ururka Al Shabaab Sida…
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga. RBN NEWS SOMALIA
Raysaware Kuxigenka Somalia Ayaa Kulan Laqaday Safirka Dawlda China Ee Somalia Raysalwasre Kuxigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guleed Khadar Aya Bartii Fecbook kusoqoray Qoralkan. Waxa aan xafiiskayga ku qaabilay safiirka China u qaabilsan Soomaaliya Danjire Fei shengchao waxa aannu ka wada hadalnay xaladda abaaraha dalku ku jiro iyo iskaashiga labada dal. RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA RBN NEWS SOMALIA
Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanata degmada Baraawe ku qabtay doorashada Todoba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kamid ahaa 13-kii kursi ee ugu dambeeya ee doorashadooda lagu qabanayomagaalada Baraawe. 1:Maxamuud Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod. 2:isaaq Maxamed Maxamuud ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-163 ee Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 86-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Cismaan Ibraahim uu…
Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (jaketti) ayaa maanta kula kulantay Safaaradda UK ee Somaliya ku xigeenka safiirka UK ee Somalia Mr. Richard Slack. Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka, gaar ahaan dadka cusub ee Caasimadda soo gaaraya sidii ay Dowladda UK gacan uga geysan lahayd taakuleenta Dadkaasi. Guddoomiye Basma iyo safiirka ayaa isla meel dhigay in la horumariyo Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed iyo sidii Dowladda UK uga caawin lahayd Dowladda Hoose ee Xamar horumarinta adeegyada Caafimaadka G.Banaadir