Mohamed ( Yabooh)gudomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo xeray Shir socday muddo 3maalin ah. Kaas oo loo qabtay dhallinyarada Gobolka banaadir. Shirka ayaa looga hadlayay ka qeyb galka dhallinyarada doorashooyinka iyo Dimuqraadiyeenta, Munaasabadda lagu soo xerayay shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaan Sheikh Aweys mahamed Omar, Gudomiyaha degmada Wadajir Mudane Ahmed Abdule afrax, Agaasimaha Siyaasada Iyo Dimuqraadiyeenta Mudane yusuf Alasoow. Barnaamijlan waxaa soo diyaarintiisa doorweyn ku lahaa Dhalinyarada gobolka Banaadir waxaana horkacayay Gudoomiyaha Dhalinyarada gobolka Banaadir Md Cabdikafi Maxamuud Makaraan.
Author: Asad Shadhuuke
Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta kulamo kula qaatay xafiiskiisa Wafdi ka socda Midowga Europe oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Wafdi ka socda Hay’adda Care International oo ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid. Sidoo kale wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka socotay, Hay’adda Save the Children Qasriga Madaxtooyada kulan saacado badan qaatay oo Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiintaas ku dhexmaray ayey kaga wada hadleen Mashruuca Waxbarashada Waxayna Dowladda Puntland u ballan qaadeen iney kala shaqeynayaan Mashruuca Waxbarashada, gaar ahaan tayada macalimiinta iyo Heerka Waxbarasho.
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa xafiiskiisa madaxtooyada ku dhax yaalla maanta ku qaabiley Safiirka Cusub ee Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen. Warbixin guud Ayuu ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay Madaxweyne biixi safiirka cusub. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale safiirka u sheegay inay diyaar garawgii ugu dambeeyay ay ugu jiraan hirgalinta hannaanka Dimuquraaddiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka. Wafdiga uu hogaaminayay Safiirka cusub ee Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen ayaa dhankiisa u ballan qaaday madaxweynaha Somaliland inay kala shaqeyn doonaan arimaha horumarka iyo nabada.
Ibraahim Muxiyidiin Mocoow Waa Xoghayaha Maamulka Degmada Kaxda Ee Gobolka Banaadir, Qarax miino nuuca Meelaha Fog-fog laga hago Oo wadada dhinaceeda loogu aasay ayaa lala eegtay gaari uu la socday xoghayaha iyo ilaaladiisa, Jugta qaraxa oo siweyn looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Kaxda ayaa si gaar ah kaga dhacay Isbitaalka Meersi wadada koowaad ee Jeneraal Liiq liiqato, Balse Xoghaye ibraahim iyo ilaaladiisa ayaa ka badbaaaday qaraxa iyadoona goobta qaraxa ay durba soo gaareen laamaha amaanka degmada degmada Kaxda, Dhawaan guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa isbedel maamul ku sameeyay degmadaas iyadoona guddoomiye cusub loo magacaabay,
Saaki aroortii waxaa lagu dillay gudaha degmada balcad mid kamid ah ragga darawalada ah Ee ka shaqeysta magaalada jowhar iyo degmada balcad. Ninkaan Darawalka ahaa waxaa toogtay maleeshiyo jid-gooyo ay u tiilay gudaha degmada Balcad kadib markii ay wada murmeen, Falkaan dilka ayaa si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaano Kulanka Balcad oo ah halka looga soo baxo magaalada Jowhar. Kadib dilka loo geystay darawalkaasi waxaa isu soo bax aan loo kala harin halkaasi ka sameeyay baabuurleyda ka shaqeysata wadada xariirisa balcad iyo jawhar, kuwaas oo sheegay inay cadaalad u baahan yihiin oo aanan xaafadahooda dib ugu laaban doonin…
Kadib socdaal ay maanta ku gaareen xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay gobolka sh dhexe iyo guddoomiyaha gobolka sh dhexe deegaanka biyo-cade ayaa waxa ay kula hadleen boqolaal kamid ah maleeshiyo deegaanka ah oo loo diyaariyay ka qeybqaadashada howlgalka ka dhanka ah Alshabaab eek a socda deegaano kamid ah gobolkaasi, Guddoomiye Axmed meyre Makaraan oo ay garab taagan yihiin Xildhibaan yaasiin farey xildhibaan cabdirisaaq xusul iyo xildhibaan yuusuf kabaale ayaa ciidanka deegaanka u sheegay inay ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,
Kadib doorasho ka dhacday magaalada Garowe waxaa loogu doortay guddoomiyaha dallada bulshada rayidka ee Puntland ee PUNSAA Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan, Mas’uuliyiin kala duwan ayaa goobjoog ka ahaa halka doorashadu ay ka dhaceysay waxaana kamid ahaa Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne ku xigeenka ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan. Sidoo kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kaga mahadceliyay hoggaamiyihii hore ee dallada Faysal Qaran hanaankii wanaagsanaa ee uu u soo jiheeyay dallada mudo xileedkii uu ahaa guddoomiyaha dallada PUNSAA.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac Oo howlo shaqo ku joogga Dalka Niger ayaa Madaxweynaha dalkaasi kala hadlay sidii loo soo sii deyn lahaa dhallinyaro soomaaliyeed oo dalkaasi ku xeran mudo sanado ah. Tirada dhalinyarada soomaaliyeed ee ku xeran dalka Niger ayaa gaaraya Shan dhallinyaro kuwaas oo mudo sanad ku dhaw ku xeran dalkaasi, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum in lasoo daayo 5taasi dhallinyarada ahSoomaaliyeed ah, Madaxweyne Bazoum ayaa dhankiisa sheegay inuu u kuur-gali doono xaaladda dhallinyaradaas kadibna wax ka qaban doono sidii si degdeg ah loogu soo sii deyn lahaa. Gunnaanadkii…
Farideh Moradkhani waa gabar ay dhashay hogaamiyaha dalka iiraan Ayatollah Ali Khamenei walaashiisa.Waana gabar looga bartay inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka, Muuqaal lagu baahiyay internetka oo ay duubtay Farideh ayaa waxa ay ugu baaqday shucuubka caalamka inay cadaadis ku saaran dawladohooda inay, xiriirka u jaraan dalka Iran, taas oo looga jawaabayo habka uu dalkaasi kaga falcelinayo mudaharaadada looga soo horjeedo xukuumadda ka dhisan dalkaas. Gabadhan ayaa la xiray bishaan November 23-keedii iyadoona xerigeeda kadib baraha bulshada uu ku faafiyay muuqaalka ay duubtay wiil walaalkeeda ah oo kunool dalka faransiiska kaas oo horay kaga duubay muuqaalka. Ma ahan markii ugu horreysay…
Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka sh.dhexe ayaa sheegaya in xalay tuulada Xaluula Ee hoostagta degmada Warsheekh dil wadareed loogu geystay dad hal qoys ka soo jeeda. Dilka ayaa waxaa fuliyay maleeshiyo beeleed hubeysan iyagoona gudaha gurigooda ku laayay qoyskaan oo ka koobnaa gabar magaceeda lagu sheegay Safiya Sheekh Abuukarow wiil 10jir ah iyo Ayeeyadooda. Waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyo beeleedka weerarka geystay, Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka sh.dhexe ee dowlad gobolleedka Hirshabelle waxaa mudooyinkii dambe ka taagnaa dilalka la xariira aanooyinka qabiilka kaas oo ay geysanayaan maleeshiyaad hubeysan, Iyadoona ay ugu dambeysay dil toogasho…