Author: rbnnews

Muqdisho, 27 Luulyo, 2023–Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta . Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo…

Read More

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Mudane Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dawladda Ruushku kaga dhaaftay lacag dhan $684 million. Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg oo uu berri ka furmayo Shirwaynaha Afrika iyo Ruushka, ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga dayn cafiska Dalka. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

Read More

In ka badan 60 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Militariga dowladda Federaalka iyo kuwa maamulkaKoofur galbeed oo ka dhacay deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay. Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya howlgalka ayaa waxay sheegtay inay howlgalkan iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee dhawaan ka billowday deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu cirib tiro Al-Shabaab, isla markaana lagu soo celiyo nabadda iyo ammaanka deegaanada maamulkaasi. Dhinaca kale’ Taliska Qaybta 60aad Ciidanka Xooga dalka ayaa sheegay in duqayn lala…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo…

Read More

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka socota dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed. Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda maanta ay billaabatay ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Agaasimahii kaga horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar. Goobta Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin katirsan Xafiisyada Xeer ilaalinta Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Ehellada Mas’uuliyiinta la maxkamadeeynayo.

Read More

Faah faahino kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS, xilli ay marayeen meel u dhow garooonka kubbada cagta Xasey Kumari ee xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar. Maamulka iyo laamaha Amniga Magalada Jowhar ayaan weli ka hadlin qaraxa, hayeeshee waxaa goobta tegay Ciidamo katirsan Booliska Hir-Shabeelle, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah sameeyay. Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaaday…

Read More

Xassan Xussen Nuur oo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qaran ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo u geeryooday dhaawicii oo u geystay 15-kii bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Warta-Nabadda 28-kii bishii Maarso ee Sanadkaan. Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Xassan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan. Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Marxuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku…

Read More