Author: rbnnews

Yuusuf Xassan Ibraahim oo 42 sano Jir ah ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha Ururka Alshabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa. Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha 19- bishii Janaayo ee Sanadkan. Yuusuf ayaa Argagixisada fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha. Xog ka bixinta Gaadiidka u gudbaya Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan kasoo galaya ayuu Kooxda u qaabilsanaa dabinadii uu maleegay ayuuna ku sheegay Basaasida Sadax iyo Toban Gaadiidka Gaashaaman oo ay lee yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ATMIS oo Jidkaas lagu weeraray waxaana mushaar ahaan loo siin jiray 130 dolar.…

Read More

Baargaal:-Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur qaar kamida golaha wasiirada Puntland.Taliyaha qaybta gobolka Gardafuu G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen,gudoomiya gobolka Gardafuu iyo masuuliyiin kale ayaa siwada jir ah loogu soodhaweeyay Degmada Baargaal. Wafdiga ayaa kormeeray Xarunta saldhiaga iyada oo uu haalkaasuu ku soodhaweeyay taliyaha Saldhiga iyo saraakiil waxa uuna warbinta xaaladda amni ee degmada laqadaagay masuuliyiinta. Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa umahad celiyay saraakiisha amniga degmada shaqada adag ay bulshada u ahayaan isaga oo balqnqaaday in ay dabooli doonaan baahi kasta oo amni ee gobolka kajirto.

Read More

Mayla July 16, 2023: Ciidanka Booliska Puntland ayaa la wareegay eedaysane Cabdiftaax Cali Warsame (Buur-madow) oo ku eedaysan inuu geystay fal dil ah kaas oo ka dhacay deegaanka Mayle oo ka tirsan Gobalka Mudug. Ninka lagu eedayay filka dilka oo lagu magacaabo Cabdifataax Cali Warsame ( Buur-madow) ayaa markii uu falka gaystay dib u baxsadey dhanka Dawlad Deegaanka Soomaalida . Iskaashi balaaran oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska Puntland iyo Ciidanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa u suurta gashay in la gacanta lagu soo dhigo, iyada oo ay la wareegeen Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Mudug.

Read More

Madaxwayne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya . Shirka ayaa looga arrinsanayaa xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda iyo wadashaqaynta wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer dowlad Gobolleed. Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirrada Waxbarashada Maamul goboleedyada, Agaaasime-yaasha Guud, Agaasime waaxeedyada wasaaradaha waxbarashada iyo howl wadeennada waxbarashada qeybahooda kala duwan.

Read More

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow. Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Guutada 60aad Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka. Dawlada Somalia Ayaan Wali Cadaynin Sababta Xilka Qadista Taliyihii Hore Ee Cidanka Xoga Dalka Odawa yusuf Raage

Read More

Kulan Ay Albaabada Uxiranyihiin Ayaa Magalada Baladweyne Odayasha dhaqanka Kulaqatay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeele Yusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Gudomiyaha Doran Ee Gobalka Hiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow Kulankan Waxa Dibad Joog ka Ah Saxafada Ka Howlgasha Gobalka Hiraan Balse Waxa Lafilaya Sacadaha Soo Adan Inuu Shirjara id Qabto Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabele Ka Uu Kutageri Doono Xilka Qadista Lagusameeyay Cali jeyte Cusmaan

Read More

Maamulka Gobolka Banaandir ayaa kulan sagootin ah xalay u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay howla shaqo u joogay Magaalada Muqdisho. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Nabad Sugida iyo Boliiska, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo aggaasimahaal. Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani oo kulankan ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda…

Read More