Howlgallo dad kala duwan lagu soo qabtay ayaa xalay waxa ay ka dhaceen qeybo kamid ah xaafadaha gudaha magaalada muqdisho iyo duleedkeeda,

Gudaha Muqdisho ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa howlgal saacado badan qaatay ka sameeyay Degmada Hodan Ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale howlgalka labaad oo ay fuliyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Hey’adda Nabad Sugidda Ee NISA ayaa isna ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

howlgalladan ayaa intii ay socdeen waxay ku soo qab qabteen laamaha amaanka dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay su’aalooyin amniga la xariira ay weydiiyeen iyadoona markii dambe ay sii daayeen.

Howlgallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda oo ay sameynayaan laamaha amaanka soomaaliya ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir,

Share.

Leave A Reply