War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka degmada warsheekh ee gobolka sh.dhexe ayaa lagu joojiyay dhammaan howlihii caafimaad ee ka socday isbitaalka degmada warsheekh ee gobolkaasi.

Waxaana walaac xooggan oo dhanka caafimaadka ay soo wajahday qeybaha bulshada ee degmadaasi kuwaas oo adeegyo kala duwan oo caafimaad halkaasi loogu fulinayay.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in xaalad  gacan hadal ah ay sababto xiisad ka taagan Isbitaalka weyn ee magaalo warsheekh kaas oo ay isku hayaan maamulka degmada iyo Dalladda Warmocad oo ah dallada gacanta ku heysa maamulka isbitaalka.

Khilaafka sababay in albaabada leysugu laabo isbitaalka degmada warsheekh ayaa lagu aaneynayaa  in la isku hayo dhaqaalaha soo gala Isbitaalka,

Share.

Leave A Reply