Marwo khadiija Maxamed Al Makhsuumi Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Saciid Maxamed Cali iyo xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo Wasiirka wasaradda Degaanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Ceydiid Saleebaan Xaashi, Wasiir ku xigeenka Wasaradda Deeganka Maxamed Cabdinuur Beerxaani, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland iyo mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Jubbaland.
Mudane Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowladda Jubbaland ayaa intaasi kadib wafdiga ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan ku wada yeesheen.
Intaan loo galbin aqalka Martida Ee dowladda Jubbaland Xaruntiisa kumeel gaarka ah Ee Magaalada Kismaayo waxay wafdiga kormer ku tageen xarunta Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland iyago u kuurgalay dhaqdhaqaqa wasaradda iyo shaqadeeda.