Dalka shiinaha oo ah halkii uu ka soo bilawday cudurka Covid19 Ee aduunweynaha wada gilgilay ayaa la sheegayaa mar kale inuu faafitaan horleh uu ka sameynayo gudaha wadankaasi,.

Magaalada ugu weyn Shiinaha, ee Shanghai, ayaa la amray in iskuulada badankood ay fasalada ku qaataan qaab online ah sababo ku aadan kororka kiisaska Covid 19,

Waxaa sidoo kale albaabada la isku dhuftay xarumaha xannaanada carruurta.

tobankii maalmood ee ugu dambeysay ayaa dib loo soo celiyay Xayiraadaha  la soo rogayay ee covid19  kadib markii horay loo fududeeyay, iyadoo mas’uuliyiinta Shiinaha ay u muuqdaan inay ka guurayaan istiraatiijiyadooda Covidka.

waxaa jira walaac laga qabo in kaabayaasha caafimaadka Shiinaha aysan diyaar u ahayn inay la qabsadaan kororka degdegga ah ee bukaannada.

Qaar ka mid ah dugsiyada Shanghai ayaa horey u joojiyay fasalada kahor ogeysiiska rasmiga ah sababo la xiriira macallimiin iyo xubno badan oo shaqaale ah oo xanuunsanaya,

Share.

Leave A Reply