Madaxwayne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya .

Shirka ayaa looga arrinsanayaa xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda iyo wadashaqaynta wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer dowlad Gobolleed.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirrada Waxbarashada Maamul goboleedyada, Agaaasime-yaasha Guud, Agaasime waaxeedyada wasaaradaha waxbarashada iyo howl wadeennada waxbarashada qeybahooda kala duwan.

Share.

Leave A Reply