Dowladda Federaalka ayaa sheegatay dilka in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib hawlgal ay ciidamada xoogga dalku ka fuliyeen deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.Taliyaha guutada 18-aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay hawlgalkan ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen maleeshiyda Al-shabaab.

“Hawlgalka oo Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii halkaas joogtay waxaana Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan.” ayay qortay warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in ciidadanka xoogga dalka uu burburuiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-shabaab.

Ma ahan markii ugu horeeyay ee hoolgalo dooladu ay ka sameeneeso goobahaan

Share.

Leave A Reply