Puntland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay iney isimada dhaqanka ee SSC ku cadaadineyso iney la heshiiso Somaliland oo dagaal culus uu kala dhexeeyo.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xadan uu damacsan yahay sidii reer SSC cadaadis loo saari lahaa ilaa ay ka ogolaadaan iney heshiis la qaataan maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu hadalkiisa kusii daray in madaxweyne Xasan uu indhaha caalamka kasii jeedinayo xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood oo sanad barkii uu dagaal ka socdo kaasoo ay ku dhinteen dad kabadan 500 ruux, halka kudhowaad laba kun oo dad ah ay ku dhaawacmeen.

“Barnaamijka uu Xasan wato, waa in gaar loo jaro SSC. Senatoradii yimid magaalada Garowe waxay sheegeen in barasaab loosoo magacaabidoono marka la xoreeyo SSC.” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Si kastaba, arrintan ayaa banaanka keentay inuu jiro khilaaf curdun ah oo u dhexeeya hoggaanka dhaqanka SSC dhexdooda, iyadoo dhawaan khaatumo ay raali gelin dowladda Soomaaliya kasiiyay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali uu ku sheegay in madaxweyne Xasan oo la dhinac yahay Somaliland.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili SSC Iyo Puntland Uu ka dhax taagan yahay Qilaaf Daba Dheeraaday

Share.

Leave A Reply