Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka.Kulanka ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige.Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige ayaa sharraxaad ka bixiyay waxqadka iyo maareynta misaaniyadda sanadka, waxaana uu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay xildhibaanadu weeydiiyeen.Gunnaanadka kulankan wadajirka ah waxaa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka la soo akhriyo waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Labada Aqal ee BJFS.Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hantida Dhowrka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in kulankan uu yahay qeybin kaliya balse kulanka dambe loogu doodi doono hindise sharciyeedka.
Saturday, October 25
Trending
- Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
- Dowlada Somalia oo Cambareysay Xiisada Baladxaawo Ee Gobalka Gedo
- Wasiirka Maliyada Somalia Biixi Imaan Cige oo Kulan layeeshay Maamulaha cusub ee Bangiga Adduunka
- Askari boolis ah oo xalay dhaawacay taliyihii saldhiga degmada Eyl ee gobolka Nugaal
- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo Qabtay Shir Logahadlayo Amniga Puntland
- Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida
- Ra’iisulwasaare Xamsa Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay laf-dhabar u yihiin Hiigsiga 2060 ee Soomaaliya
- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo Kormeeray Suuqa Bakaaro

