Burka-diirimeed: 19, Sabteembar, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hishabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray deegaanka burka diirimeed ayaa halkaas kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Imaan Daahir Imaam Maxamuud oo ay ka wadahadleen dardargalinta wajiga 2aad ee shirka dib u heshiisiinta iyo dhameystirka Gogosha Nabadeynta ee taala deegaanka Burka Diirmeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay xoojinta iyo ka guul gaarista arrimaha nabadeynta si bulshadu ay nabad ugu wada-noolaato.