Ku dhawaad ​​100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka fulisay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dadka dhinatay waxaa ku jira 75 ruux oo lagu dilay weerarro xagga cirka ah oo lagu qaaday laba guri oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee dhacda waqooyiga.

Xasuuqa Israel ayaa sii socda xilli gaajada iyo silica heysta Falastiiniyiintya Gaza ay gaartay heer masiibo ah sida uu ku waramay  xafiiska warbaahinta dawladda ee fadhigiisu yahay  dhulka go’doosan.

Xabad joojinta Lubnaan ayaa gashay maalintii afaraad, waxaana madaxa Xisbullah Naciim Qasem uu tallaabadaan ku tilmaamay guul rabbaani ah oo salka ku heysa dagaalka ay kula jiraan Israel.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa mareysa 44,363 iyo dhaawaca 105,070,halka Israel ay Lubnaan ku dishay 3,961 ,isla markaana ay dhaawaceen 16,520 .

Share.

Leave A Reply