Maxkamadda saree ee dalka Romania ayaa Jimcihi shalay baab’isay naatijadi kasoo baxday wareeggii koowaad ee doorashadi madaxtinimada, isla markaana amartay in dib loo qabto doorasho kale oo billow ah.
Go’aankan ayaa soo baxay xilli wareegga labaad ee kala baxa ahaa ee doorashada loo ballan sanaa in uu dhaco Axadda berrito ah, iyadoo qaar ka mid ah muwaadiniinta qurba-joogga ah ay codkooda kasoo dhiibteen wareegga labaad.
Go’aanka lama filaanka ahaa ee kasoo baxay maxkamaddan dastuuriga ah ayaa yimid, kaddib marki uu madaxweyne Klaus Iohannis shaaca ka qaaday xogo dhanka mukhaabaraadka ah, oo sheegaya in Dowladda Ruushka ay farageliyay wareegi hore ee doorashada, iyada oo baraha bulshada si weyn ugu taageertay murashaxa mucaaridka eel eh fikradaha midigta fog, ninka lagu magacaabo Calin Georgescu.
Calin Georgescu, ayaa taageersan Ruushka, kana soo horjeeda siyaasadaha Midowga Yurub. Wuxuu wareegi hore ee doorashada uga horreeyay hogaamiyaha xisbiga fikradaha dhexe ee taabacsan Midowga Yurub haweeneyda la yiraahdo Elena Lasconi.