Kaddib marki ay soo qabsadeen magaalooyin muhiim ah oo ay horay u joogeen ciidamada milataga dowladda, ayay fallaagada ku kacsan dowladda Suuriya aad ugu soo dhawaadeen Sabtidi nawaaxiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Fallaagada ayaa saacadihi ugu danbeeyay qabsaday magaalada muhiimka ah ee Xomus, taasoo suuragelisay in jiidda hore ee aagag dhowr ah oo guud ahaan waddanka ah ay burburaan.

Ku soo dhawaashaha magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ayaa ka dhigan in xakunka 24-ka sano ee Bashaar Al Asad ee Suuriya uu halis weyn ku jiro.

Xomus ayaa aheyd magaalo istaraatiiji u ah difaaca caasimadda. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Rueters u sheegay in maleeshiyaadka mucaaridka ay magaalada kasoo galeen dhinacyada waqooyi iyo bari, kaddibna si fudud ku jiireen difaacyada ciidanka. Wuxuu kaloo sheegay in ay la wareegeen xarumaha milatariga ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in hadda ay 20 km u jiraan magaalada Dimishiq.
Waa marki ugu horreysay oo ay fallaagada soo gaarto nawaaxiga Suuriya tan iyo dagaalki sannadki 2018-ki.

Share.

Leave A Reply