Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa wada hawlgallo ballaaran oo ay ku baadi goobayaan malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya godad ku yaalla togga Baalade iyo Koonfurta Miiraale.

Hawlgalladii ugu dambeeyey oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa ciidnku ku qabsadeen saddex saldhig oo ay Daacish ku lahaayeen Baalade iyagoo halkaasi ku diley ku dhowaad 19 xubnood oo katirsan Daacish, sida ay HM u xaqiijiyeen saraakiil dowladda katirsan.

Hawlgalkaan ayaa waxaa ku shahiidey 2 askari oo ciidanka dowladda katirsan, waxaana wararku sheegayaan in saaka ciidanku kusii siqayaan inta badan togga Baalade.

Dhanka kalena, Ururka 9-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fadhigiisu yahay deegaanka Dawacaaley oo Howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga ka sameeyey deegaamo ku hareeraysan Dawacaaley.

Share.

Leave A Reply