Baxdo June, 07, 2025, Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha Hotelka casriga ah ee Laas, kaasi oo ganacsade reer Galmudug ah ka hirgaliyay degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud oo ah magaalo dadkeedu ay taariikh wanaagsan ku leeyihiin halganka dib u xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa Ganacsatada ku bogaadiyay maalgashiga deegaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Galmudug ay fursad gaar ah siinayso ganacsatada ku howlan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga deegaanka, isaga oo ugu baaqay ganactsada kale ee ree Galmudug in ay qaataan kaalintooda ku aaddan casriyeynta deegaanka.