Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla koonfurta Austria. Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan uu ahaa 21 sano jir wax ka baranayay iskuulka, isgoo is dilay kadib markii uu dadka toogtay.

Dad badan ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Graz ee koonfurta dalka Austria.

Booliiska ayaa sheegay in 10 qof la dilay – oo uu ku jiro ninkii toogashada geystay – halka dhowr qof oo kalena ay si xun u dhaawacmeen.

Wakaalada wararka ee Austraia ee APA ayaa goor dambe sheegtay in dhibane kale uu u dhintay dhaawaca.

Maamulka Austria ayaa ninka toogashada geystay ku tilmaamay inuu yahay  21 jir.

Waxa uu weerarka ku qaaday qori uu hab  sharci ah ku haystay.

Booliisku waxay sheegeen in sababta gaca-ku-dhiiglaha uu weerarka u geystay aysan caddayn.

Waxa ay sheegeen in ninka hubeysan uu isku dhex dilay musqul ku taal iskuulka kadib markii uu toogashada fuliyay.

Share.

Leave A Reply