La-taliyaha Amniga Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Dr. Badr Abdelatty.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga xiriira ka dhexeeya labada dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo dadaallada ay labada dal si wadajir ah uga wadaan xasilinta gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee dalkiisa u hayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka, iyo amniga. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in ay sii waddo taageerada ay siiso Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya