Israa’iil iyo Iran ayaa bilaabay weeraro hor leh oo midba midka kale ku qaaday, waxaana ku dhintay dad badan oo rayid ah, waxaana sare u kacay cabsida laga qabo isku dhac ballaaran, waxaana madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in si fudud lagu soo afjari karo isagoo uga digay Tehran inaysan weerarin bartilmaameedyada Mareykanka.

Magaalada Washington, laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Trump uu diiday qorshe Israel maalmihii la soo dhaafay ku doonaysay in ay ku disho hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei.

Iraaniyiintu wali miyay dileen qof Maraykan ah? Maya. Ilaa ay sidaas samaynayaan kama hadlayno waa in aan raacno hoggaanka siyaasadda ayuu yidhi mid ka mid ah ilaha sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka.

Share.

Leave A Reply