Sergei Shoigu, oo ah xoghayaha Golaha Ammaanka ee Ruushka, ayaa markii labaad la kulmay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un muddo ka yar laba toddobaad, mar uu booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi Talaadadii, wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax ayaa sheegtay.

Interfax ayaa ka soo xigatay Golaha Ammaanka ee Ruushka in wada xaajood u dhexeeya Kim iyo Shoigu, oo ilaa sannadkii hore ahaa wasiirka difaaca ee Ruushka, uu bilaabmay. Ma aysan cadeyn mowduuca wadahadalkooda shoigu ayaa horay u booqday Pyongyang wuxuuna la kulmay Kim 21-kii March iyo 4-tii June ee sanadkan.

Kim iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay heshiis istiraatijiyadeed oo iskaashi sanadkii hore, oo uu ku jiro heshiis is-difaacid.

Kuuriyada Waqooyi ayaa kumanaan askari u dirtay dabayaaqadii sannadkii hore si ay gacan uga siiyaan Ruushka sidii ciidamada Ukraine looga saari lahaa gobolka Kursk ee galbeedka dalkaasi. Iyaga oo xaqiijinaya in ciidamadan la dirayo markii ugu horeysay bishii April, Putin iyo Kim waxa ay ku tilmaameen Kuuriyada Waqooyi ee u dagaalamaysay Ruushka geesiyaal.

Sirdoonka difaaca Britain ayaa todobaadkan sheegay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay in ka badan 6,000 oo askari kaga dhaawacmeen Kursk.

Kuuriyada Waqooyi ma aysan shaacin khasaaraha soo gaaray.Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay u soo rartay gantaalaha ballistic-ga ah, gantaalada lidka taangiyada iyo malaayiin rasaas ah oo loogu talagalay Ruushka si uu ugu isticmaalo Ukraine. Moscow iyo Pyongyang ayaa diiday in la wareejiyo hubka.

Baaritaan ay sameysay wakaaladda wararka ee Reuters bishii Abriil 2025 ayaa lagu ogaaday in malaayiin madaafiic ah oo Kuuriyada Waqooyi ay ku soo wajahan yihiin furimaha hore ee shixnadaha waaweyn ee badda ka dibna tareen.

Share.

Leave A Reply