Hoggaamiye kuxigeenka Dawlad-Goboleedka SSC-Khaatumo, Maxamed Cabdi Ismaaciil ( Shiine) ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay kiis kufsi ah oo ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo kacdoon ay bulshada ka muujisay arrintaasi.
Bulshada Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo waxaan la socodsiinayaa in dawladdu qaadday tallaaboyin muhiim ah oo lagu sugayo nabad-galyada isla markaana lagu dhawrayo caddaaladda, waxana ka mid ah
1. Waxa ciidamada Boolisku gacanta ku soo dhigeen dhammaan eedaysanayaashii ku xadgudbay sharafta iyo qiyamka gabdhaha iyo kuwii ku lug lahaa dhacdadii dhimashada iyo dhaawacaba sababtay.
2. Waxaan hay’adaha nabad-galyada iyo Cadaalada faray in ay dedejiyaan Baadhista iyo Maxakamadaynta Eedeysanayaasha.
3. Waxa Jawaab dhakhso ah laga sugayaa Guddigii Baadhitaanka ee Wasiirka Caddaaladdu u magaacabay kiiska labada gabdhood ee walaalaha ah.
4. Si loo ilaaliyo xasilloonida, nabad-galyada iyo kala danbaynta, Waxa ammaanka Caasimadda la wareegay Ciidamada Daraawiishta.
5. Waxaa Tallaabo sharci laga qaadayaa kuwa ka faa’idaysanaya dareenka shacabka ee wada falalka boobka iyo kala danbeyn la’aanta ah, isla markaana leh danaha ka baxsan aayaha iyo Dawladnimada SSC-khaatumo.
6. Waxaan u mahadcelinaynaa Waxgaradkii iyo Haldoorkii shaqada adag qabtay 24 saac ee lasoo dhaafay, ee nagu garab galay gudashada waajibkayaga. (Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan).
Bayanka uu sosaray maamulka ssc-khaatumo ayaa kuso adaya xili hadal heynta arintan ay aad u qabsatay baraha bulshada.