Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa ku eedeeyay ilaalada kacaanka Iran Sabtidii in ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan muwaadiniinta Israa’iil ee ku sugan Qubrus.
Qoraal uu soo dhigay X, Saar wuxuu ku sheegay in weerarka la fashiliyay, Mahad waxaa iska leh maamulka ammaanka Qubrus, iyagoo kaashanaya laamaha ammaanka ee Israel.”
Saar ayaan wax faah faahin ah ka bixin qaabka uu u dhacay weerarka.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Iran arinta ku adan edeyntan.