Weerar Israa’iil ay manta  ka geysatay galbeedka Iran ayaa lagu dilay ugu yaraan shan askari, waxaana ku dhaawacmay sagaal sare, sida ay sheegtay warbaahinta Iran.

Shan sarkaal oo ciidan ah ayaa lagu dilay sagaal kalena waa lagu dhaawacay weerarka maanta ee taliska Israel uu ku qaaday galbeedka magaalada Sumar” ee gobolka Kermanshah, wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa mas’uul ka tirsan gobolka.

Israa’iil iyo Iran ayaa is dhaafsaday mowjado weeraro ah, kaddib markii Israa’iil ay billowday ololaheeda hawada 13-kii June, iyadoo sheegtay in Tehran ay qarka u saaran tahay inay sameysato hub nukliyeer ah — hammi ay Iiraan beenisay.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay mar labaad weerartay goobta nukliyeerka ee Isfahan ee Iran ka dib markii ciidamadeeda cirka ay sheegeen in ay sidoo kale bilaabeen ataag ka dhan ah kaydinta gantaallada iyo goobaha laga soo tuuro bartamaha Iran.

Milateriga ayaa markii dambe sheegay in ay duqeeyeen kaaba yaasha militari ee koonfur-galbeed ee Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii u digay in Tehran si ay ugabaqasato arinkan waxa uuna hadalkisa umuqday waqti dhan labo todobad, iyadoo Washington ay miisaameyso inay ku biirto ololaha duqeymaha Israel ee aan horay loo arag.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump aya umuqaday inuu cadeyay mowqifkiisa ku adan lasafashada Israel.

Share.

Leave A Reply