Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Marco Rubio ayaa manta ugu baaqay Shiinaha inay ku dhiiri geliyaan Iran inaysan xidhin marin biyoodka Hormuz kadib markii Washington ay duqaymo ka fulisay goobaha Nukliyeerka ee Iran.Faallooyinka Rubio ee barnaamijka Fox News ee “Subaxa Axadda ah ee Maria Bartiromo” ayaa yimid ka dib markii TV-ga Press TV ee Iran uu sheegay in baarlamaanka Iran uu ansixiyay tallaabo lagu xirayo marin biyoodka Hormuz, kaas oo ku dhawaad boqolkiiba 20 ee saliidda iyo gaaska caalamiga ah ay qulqulayaan.
Waxaan ku dhiirigelinayaa dawladda Shiinaha ee Beijing inay u wacdo arrintaas, sababtoo ah waxay si weyn ugu tiirsan yihiin marinka Hormuz saliiddooda,” ayuu yiri Rubio, oo sidoo kale u shaqeeya lataliyaha amniga qaranka.Haddii ay taas sameeyaan, waxay noqon doontaa qalad kale oo aad u xun. Waa is-dil dhaqaale haddii ay sameeyaan. Annaguna waxaan haysanaa ikhtiyaarrada aan wax kaga qaban karno taas, laakiin waddamada kale waa inay sidoo kale eegaan taas, waxay dhaawici doontaa dhaqaalaha dalalka kale si aad uga xun kayaga.
Rubio wuxuu sheegay in tallaabada lagu xirayo cidhiidhiga ay noqon doonto koror weyn oo u qalma jawaabta Mareykanka iyo kuwa kale.Safaaradda Shiinaha ee Washington si degdeg ah kama aysan hadlin.Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ay “ciribtireen” goobaha ugu waaweyn ee Nukliyeerka Iran iyadoo la adeegsanayo 14 bambaanooyin bunker-buster ah, in ka badan laba darsin gantaalada Tomahawk iyo in ka badan 125 diyaaradood oo militari ah. Duqeymahan ayaa muujinaya in ay sii xoogeysanayaan colaadda ka taagan bariga dhexe.
Tehran ayaa wacad ku martay inay is difaaci doonto. Rubio ayaa Axadii ka digay aargoosi, isagoo sheegay in ficilka noocaas ah uu noqon doono “khaladkii ugu xumaa ee ay waligood sameeyaan.Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu la hadlo Iran.