Milateriga Iran ayaa sheegay in ay saldhigga Al-Udeid ee Qatar la beegsadeen gantaal waxyeelo leh oo xooggan taas oo jawaab u ahayd weerarrada Maraykanka ee xarumaha Nukliyeerka Iran.

Qatar ayaa cambaareysay weerarka Iran, waxayna sheegtay inay xaq u leedahay inay si toos ah uga jawaabto si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, kaddib markii Iran ay beegsatay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al-Udeid ee magaalada Dooxa.

Doha ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka Iran.Qatar ayaa sheegtay in ay si guul leh uga hortagtay weerar gantaal oo Iran ay ku qaadday saldhigga Al-Udeid ee Mareykanka, oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Wasaaradda gaashaandhigga Qatar waxay ku dhawaaqday in difaaca cirka Qatar ay si guul leh uga hortageen weerar gantaal oo lala beegsaday saldhigga hawada ee al-Udeid, ayaa lagu yiri bayaan, iyadoo intaas ku dartay “dhacdada ma aysan dhalin wax dhimasho ama dhaawac ah.

Dhawaqa qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay caasimadda Qatar ee Doha, goob jooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay, ka dib markii Tehran ay ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto weerarrada uu Mareykanku ku qaaday goobaha Nukliyeerka ee Iran.

Iran ayaa isku dubariday weerarada ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Qatar iyadoo saraakiil ka tirsan Qatar ay hore u sii qorsheeyeen si ay u yareeyaan khasaaraha, sida ay bahisay New York Times, isagoo soo xiganaya saddex sarkaal oo Iran ah.

 

Share.

Leave A Reply