Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhowaaqi doonaan natiijada dhabta ah ee la xiriira xogaha batroolka ee goobihii la sahmiyay.
Eng. Cabdiqaadir Aadan oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in bilaha dambe ee sanadkan illaa horraanta 2026 la qorsheynayo in lasoo saaro batroolka Soomaaliya, iyadoo haatanna ay dowladda Turkigu diyaarineyso markabkii qodi lahaa.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale xusay in ay jiraan goobo kale oo berriga ah gaar ahaan gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo lagu sameeyay sahanno horudhac ah, wuxuuna intaa ku daray in ay sugayaan marka laga baxo xilli roobaadka markaas oo ay si dhamaystiran ugu howlgeli doonaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa ugu dambayn xusay in ay tababarro khibrad kororsi ah u direen dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo gacan ka geysan doona howlaha soo saaridda batroolka, si mustaqbalka dhow ay Soomaalidu ula wareegto maamulka iyo shaqada shidaalka.