Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabila Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan iyo Xubno uu hogaaminayay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor-u-qaadista wada-shaqeynta u dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Doorashooyinka, si loo xoojiyo taageerada ololaha diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaas oo ah marxalad muhiim ah oo ka mid ah hirgelinta geeddi-socodka doorashada Qof iyo Cod.

Guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay Guddiga Doorashooyinka doorkooda muhiimka ah iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan hirgelinta hannaan doorasho oo oo sal u ah matalaadda shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay in uu xoojiyo kaalintiisa ku aaddan wacyigelinta dadweynaha, fududeynta hawlaha diiwaangelinta, iyo diyaarinta goobaha ay Guddigu uga baahdaan degmooyinka caasimadda.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa bogaadiyay ka-go’naanta xooggan ee uu Duqa Magaaladu u muujiyay bulshada Caasimadda si looga dhabeeyo fulinta barnaamijka Doorashada Qof iyo Cod oo ah ajande qaran oo muddo dheer ay shacabka Soomaaliyeed ku taamayeen.

Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo labakacleyn xooggan sameeyay wixii ka dambeeyay markii uu Guddoomiye Muungaab xafiiska yimid ayaa hadda maraya heer gebagebo ah, waxaana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay tiro codbixiyayaal ah oo malaayiin gaaraya ay u dareeraan goobaha Codbixinta ee uu Guddiga Doorashadu ka astayn doono Caasimadda.

Share.

Leave A Reply