CIIDAMO KA TIRSAN LAAMAHA AMAANKA AYAA LAGU WEERARY GUDAHA SUUQA BAKAARAHA EE MAGAALADA MUQDISHO.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar gaadmo ah oo maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha Ee gudaha magaalada muqdisho.

Weerarkaan ayaa la sheegayaa inay geysteen rag loo maleynayo inay ka tirsanaaayeen Alshabaab waxaana lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dhar-cadka Ee ka tirsan sirdoonka soomaaliya.

Weerarka oo ku bilawday Bamb-Gacmeed ayaa la sheegayaa inuu xigay rasaas toos ah oo lagu furay ciidamada ka tirsanaa laamaha amaanka soomaaliya Ee ka howlgalla gudaha suuqa bakaaraha.

inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay hal askari oo Ciidanka NISA halka saddex kalena lagu dhaawacay, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaaladan.

Haatan waxaa ka socdo gudaha suuqa-Bakaaraha howlgallo culus oo ay wadaan ciidamadda amaanka, iyagoo baadi goob ugu jira ragii hubeysnaa ee weerarkan fuliyay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay gudaha magaalada muqdisho weeraro ay geysanayaan kooxo dhallinyaro bastoolado ku hubeysan.

Share.

Leave A Reply