Xildhibaan Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi Oo ah Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XfS iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah dhir ugu beeray xarunta aqalka martida dowlad goboleedka jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah isagoona ku beeray guriga Ummadda geedo kamid ah 10 Malyan oo geed oo lagu dhireynayo dalka horaantii bishii October Ee sanadkan..

Wasiirka Wasaaadda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Dalxiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa tilmaamay dhir beerista maanta ay ka sameeyeen Aqalka Martida dowlad goboleedka Jubbland ee magaalada Kismaayo iney qayb ka tahay Qorshaha Soomaaliya Cagaaran.

Share.

Leave A Reply