Waxaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda Garacad.
Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaana dhagax dhigay dhismaha xaruntaasi,
siyaasadda Xukumadda Dowladda Puntland ayaa qeyb ka ah Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda iyo unkidda dhismaha xarumaha muhiim ka ah ee dowladda.
Waxaana munaasabadda lagu dhagax dhigayay dhismaha Xafiisyada Hay’addaha Dowladda ee ka hawlgelaya dekedda Garacad ku wehlinayay madaxweynaha.Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Guddiga Shirkadda Wadaagsan.