Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 11-aad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiye kuxigeenadda labada aqal.
Ajendaha kulanka wadajirka ah ee labada aqal ayaa ahaa ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana Xildhibaanadda oo cod u qaaday ogolaatay 169-Xildhibaan, lix Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.
Ugu dambeyn xubnaha Guddiga oo ka kooban 18-xubnood ayaa kulanka lagu dhaariyay, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka soo xiray uu uga mahadceliyay Xildhibaanadda labada aqal ansixinta shuruucda muhiimka u ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Share.

Leave A Reply