Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Ahmed Mohamed Islaam (madoobe) ayaa lagu wada maanta inuu garo magalada garoowe ee xarunta maamulka puntland.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa shir gaar ah ku yeelanaya magaalada Garoowe, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii dalka iyo muranka doorashooyinka 2026.
Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan mowqif midaysan Puntland iyo Jubaland ka istaagaan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo 27 bishii hore ee May shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi bilaabeen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay kaga horjeedaan Villa Somalia.