Leeds ayaa xaqiijisay saxiixa daafaca Jaka Bijol oo uga yimid Udinese qiimo aan la shaacin, kaasoo la fahamsan yahay inuu qimihisu yahay 15 milyan ginni.
26 jirkaan daafaca dhexe ayaa saxiixay qandaraas shan sano ah waana saxiixii labaad ee Leeds sameysan xagaagan ka dib imaatinka weeraryahanka Jarmalka Lukas Nmecha.
Bijol ayaa 63 kulan u saftay Slovenia, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay Euro 2024, halkaasoo ay barbaro goolal la’aan ah ku qabteen England wareega group-yada ka hor inta aysan rigoorayaal kala kulmin Portugal wareega 16ka.