Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XSF, iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u qabtay kulanka joogtada ah ee Guddiga Farsamada ee Barnaamijka Caddaaladda iyo Xabsiyada.
Kulanka oo uu guddoomiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, mudane Faysal Adan ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowlad-Goboleedyada, Maxkamadda Sare, iyo wakiillo ka socda hayโadaha Qaramada Midoobay.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in dib loo eego horumarka laga gaaray hirgelinta Qorshaha Shaqo ee Sanadlaha ah, lana xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta hayโadaha garsoorka si loo dardargeliyo adeegga cadaaladda iyo dib-u-habaynta nidaamka xabsiyada dalka.
Kulankan ayaa kuso aday xili doodi kajirto arimaha dastuurka somalia oo dowlada hada jirta isbadal kusameysay kaa sobabay xisad siasadeed
waxa kale oo dhinaca bulshada ay tabasho kaqaban nidamka garsoorka dalka iyo xabsiyada oo ay kajiraan tabasho dhinaca cadalada iyo garsoorka dalka ah.