Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee hadda siyaasadda ku matala Sanaag iyo Haylaan ayaa si weyn u soo dhaweeyay mowqifka cad ee Isimada dhaqanka degaannadaasi ku diideen in ay qeyb ka noqdaan maamulka khaatumo

Waxaan sooo dhawaynayaa go’aanka masiiriga ahaa ee ay soo sareen Isimada dhaqanka Gobollada Sanaag iyo Haylaan. Waxaan isimada sharafta leh uga mahadcelinyaa doorka Shariifka ah ee ay ku leeyihiin nabadgelayada iyo difaaca goboladaaas” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid (Qaraaje).

“Waxaaan si buuxda u qaadaynaa talo soo jeedinta Isimada iyo Guud ahaaan Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka, waxaana ka shaqayn doonnaa in la xoojiyo difaaca iyo Horumarka goboladdaas. Cidna lagama yeeli-doono inay waxyeelayso dowladnimada iyo horu-socodka bulshada, dadka anagaa metelna, sharafkooda iyo Danahoodana ka shaqayna, kana shaqayn doona” ayuu sii raaciyay Cabdirisaaq Qaraaje

Share.

Leave A Reply