Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faahfaahin ka bixisay doonni ku soo caariday xeebta Il-Foocshe oo ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, taasi oo warar is khilaafsan laga faafiyay.

Doonida kalluumeysi ee lagu magacaabo Tawakal ayaa cilad ku timid awgeed ku soo caaridey xeebta Il-Foocshe ee degmada Jariiban gobolka Mudug. Shaqaalaha saarnaa oo ahaa soomaali ayaa badqaba dhammaantood, tiradooduna tahay 5 shaqaale (crew).Doonida waxaa iska leh kalluumeysato Soomaaliyeed” ayuu u qornaa warsaxaafadeedka wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.

Waxay doonidan ka timid magaalada Mukulla ee dalka Yemen una socotey magaalada kismaayo, ayaa cilada ku timid ay aheyd mid la xiriirta matoorka iyo shukaanta laga wado doonida taasi oo sababtay in ay caarido. Doonida Tawakal ma sidin wax rar ah , xiligan oo ah xilli badxiran ah oo safarka baddu aanu sahlaneyn, badweynta Hindiya ay tahay xilliga dabaalaha xagaaga ee xooggan ay ka dhacaan, safarka badduna uu yahay mid khatar weyn oo aan lagu safri karin” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedku.

Share.

Leave A Reply