Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) Md Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacayada

-Kordhinta awoodda u diyaargarowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah

-Taageeridda dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah

-Horumarinta nolol waarta oo loo sameeyo bulshooyinka nugul

Iskaashigan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday dadaallada SoDMA ee lagu xoojinayo maaraynta masiibooyinka iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira.

Share.

Leave A Reply