Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Cammaan ee xarunta dalka Jordan si uu kaga qeybgalo daahfurka istaraatiijiyadda carbeed ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (Arab Strategy for Youth, Peace and Security).

Wasiirka ayaa ka qeybgalay munaasabadda daahfurka istaraatiijiyadda oo ay kasoo wada qeybgaleen wasiirrada Dhallinyarada iyo Isboortiga ee dalalka Carabta.

Magaalada Cammaan ayaa sidoo kale sanadkaan noqotay caasimadda dhallinyarada Carabta.

Wasiirka inta uu joogo magaalada Amman, waxa uu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dhiggiisa ah iyo hey’adaha caalamiga ah si uu warbixin kaga siiyo qorshaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga Soomaaliya oo heer gabogabo ah maraayo.

Share.

Leave A Reply