Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi isugu jiray Ganacsato ka socotay Dalka Turkiga iyo Madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya Mr. Ilhami Turus. Iyagoo kawada hadlay fulinta mashaariic dhowr ah kuwaas oo wax ku’ool ah lagana fulinayo Caasimadda JFS.

Duqa Caasimadda iyo Wafuudda ayaa sidoo kale kawada hadlay arrima ay kamid yihiin iskaashiga la xariira Dhismaha Wadooyinka, xarumaha Danta Guud, hirgalinta Warshadaha Wax soo saarka, Shaqa abuurka Dhallinyarada, xal u helida Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Yuusuf Xuseen Jimcaale guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn kaga mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo shacab keeda kaalinta joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshadda caasimadda iyaga oo ka shaqeynaya horumarrinta Caasimadda

Share.

Leave A Reply