kulan siweyn loo soo agaasimay ayaa maanta ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Iyo Guddoonka iyo Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Puntland Diaspora Forum loona soo gaabiyo (PDF),

Waxaa hogaaminayay Golaha sare ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland guddoomiyaha Jaaliyadda Mudane Faarax Aw Cismaan.
Madaxweyne deni ayaa Qurbojoogta uga warbixiyey Shaqooyinka Dalka ka socda, waxayna uga mahadceliyeen Madaxweynaha soo dhaweynta iyagoo aad u boggaadiyey hirgelinta Shaqooyinka Taariikhiga ah sida Dhismayaasha Wadooyinka, Dhismaha Ciidanka iyo Hirgelinta Dimuqraadiyadda,

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu qaabilay qeybaha kala duwan ee Bulshadii ka qeybgashay soo dhoweynta Qurbojoogta Puntland .

Share.

Leave A Reply